4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2016
Dowladda Britain oo safiir cusub u soo magacaawday Soomaaliya

Sabti, November, 19, 2016 (HOL) --Dowladda Britain ayaa soo magacawday safiir cusub oo wakiil uga noqon doona Soomaaliya, waxuuna badali doonaa safiirkii hore ee UK u fadhiday magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee hadda lasoo magacaabay ayaa ah siyaasi si weyn looga yaqaan dalka UK, waxaana uu kasoo shaqeeyay dalal badan oo ku yaala caalamka.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo David Concar ayaa badali doono Harriet Mathews oo muddo la shaqeyneysay dowlada iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

War ka soo baxay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in safiirka hore ee dowladda Ingiriiska u fadhiday Soomaaliya loo magacaabay xil kale oo cusub islamarkaana safiirkaan cusub uu ka shaqeyn doono xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Ingiriiska.

Ugu danbeyntii, safiirka cusub David Concar , waxaana uu xilka la wareegi doonaa  bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2017.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya