4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2016
Ciidamada AMISOM oo sheegay inay dileen 6 dabley ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab


Sabti, Nofeembar 19, 2016 (HOL)-Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay dileen 6 dabley ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay sheegeen inay hawl gal ku dileen dableydaa ayagoo kaashanaayay ciidamada dawlada Soomaaliya ee SNA.  Shalay Jimcihii ayaa AMISOM ay shegeen inay dileen dableydaa meel u jirta 35km Kismaayo.

AMISOM waxay sidoo kale sheegeen inay la wareegeen deegaan halkaa ku yaal.

Afhayeenka AMISOM Joe Kibet ayaa wakaalada wararka ee Xinhua u sheegay inay ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaanka Buula-gaduud.

Wuxuu intaa ku daray in hub ay ka qabsadeen xarakada Al-Shabaab.  Wuxuu raaciyay in wax khasaare ah uusan AMISOM soo gaarin intii hawlgalku socday.

Xarakada Al-Shabaab durba arinkaa kama aysan hadlin.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]