4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2016
Ra'iisal wasaare Sharm'arke oo ka dalbaday dadkii ka barakacay Gaalkacyo in ay dib u soo guryo nodaan

Sabti, November. 19, 2016 (HOL) -- Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiiid Cali Sharm'arke ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo in ay dib u soo guryo noqdaan, kaddib markii maalintii shalay la kala qaaday ciidammadii isku hor fadhiyay agagga dagaalka.

“Waxaa ku wargalineynaa dadkii ka barakacay dagaalladii halkan [Gaalkacyo] ka barakacay in ay dib u soo laabtaan, dhamaanteen nabad ayaan ka wadda shaqeyneynaa, wixii dhameystir u baahan waa la dhameystirayaa, waxaa rajeynayaa in tani ay noqoto mid aan mar dambe soo noqon,'' ayuu yiri ra'iisal wasaare Sharm'arke.

Ra'iisal wasaaraha iyo guddiyo ka kala tirsan labada dhinac ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba ku howlanaa siddii loo kala qaadi lahaa ciidamadii ku diriray magaalada, taasoo marar badan hore leysku khilaafay, hasse ahaatee ugu danbeyntii maalintii shalay ayaa lagu guuleystay in la kala qaado.

Labada madaxweyne Puntland iyo Galmudug ayaa dhinacooda ballan-qaaday in mar kale Gaalkacyo dagaal ka dhici doonin, lagana wadda shaqeyn doono nabada.

Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo ganacsi ayaa dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay waxaa ay sababeen in ay ka barkacaan boqolaal kun shacab ah, oo intooda badan wajahaya daruufo dhinaca nolasha ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya