4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2016
Israsaaseyn xoog leh oo goor dhaw ka dhacday ilinka hore ee hoolka doorashada magaalada Jowhar

Jimco, November, 18, 2016 (HOL) -- Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in is-rasaaseyn xoog leh laga maqlay ilinka hore ee hoolka doorashada magaalada Jowhar oo ay ka socto doorashada xubnaha aqalka hoose.

is-rasaaseyntan ayaa timid kaddib markii muran ku saabsan doorashada uu  soo kala dhaxgalay musharixiin ku wadda loolamay hal kursi, kuwaa oo la sheegay in khilaafkoodu markii danbe gaaray gacan ka hadal.

Kursigan ayaa la sheegay in ay ku tartamayeen ilaa saddex musharax oo uu ka mid yahay wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaradaha dowladda federaalka Soomaaliya Max'ed Xassan Nuux oo iska horimaadkan dhacay qeyb ka ahaayeen ciidamadiisa.

Waxaa sidoo kale dhinicooda bilaabay in ay is difaacaan ilaalida xarunta, taasoo keentay in siweyn looga wadda maqlo rasaasta  guud ahaanba xaafaddaha degmada ka kooban tahay.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka ka dhacay Jowhar, hasse ahaatee waxaa ay qal qal weyn ku abuurtay ergadii ku sugneyd gudaha xarunta doorashada, kuwaa oo goobta ku kala cararay.

Inta badan xubnaha ku loolamaya kuraasta aqalka hoose ayaa u badan mas'uuliyiin xilal ka haya dowladda federaalka, kuwaa oo goobta doorashada la taga ciidammo aad u hubeysay oo mar marka qaar cabsi ku abuura dadka rayidka ah iyo ergada intaba.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya