4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2016
Timirta oo la ogaaday inay ka hortagto wadne xanuunka iyo dhiig karka

Jimco, Nofeembar 18, 2016 (HOL)-Timirta ayaa la ogaaday inay aad wax tar ugu leedahay caafimaadka baniaadamka.

Dhaqaatiirta ayaa iminka ku talinaya in isticmaalka timirta la badsado. Waxyaabo badan oo caafimaad jirka u leh ayaa ku jira oo ka hortaga dhibaatooyinka caafimaadka sida istaroogga ama baaralayska, wadna xanuunka, xeyrta jirka iyo dhiig karka.

 

Waxay dhintaa xeyrta aan muhiimka ahayn ee jirka kujirta ee magaceeda loo soo gaabsho LDL. Waxay xeyrtaa ka nadiifisaa xididada dhiigga waxayna dhiigga cas ka hor istaagtaa inuu fariisto oo xinjiro noqdo.


Dheef shiidka ayaa la tilmaamay inay u roon tahay timirtu waxaana sidoo kale dhaqaatiirta caafimaadku sheegeen in nafaqooyin badan ay ku jiraan timirta.


Waxaa dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in timirtu leedahay bir [iron ama feero] qofba sida uu u yaqaan taasoo dadka dhiigga u kordhisa hadii uu hoos u dhaco ama dhiig yaraani heyso.


Waxaa laisku waafaqay inay u roon tahay carruurta iyo dumarka uurka leh. Waxaa qofi cuni karaa 100 g oo timir ah maalin kasta.

 

100kii garaam waxaa laga heli karaa 0.9 mg oo iron ah. Waa 11 % inta iron in la cuno loogu tala galay maalintii.

 

Waxay hadaba timirtu u roon tahay unugyada dhiigga cas iyo walaxda dhalisay dhiigga cas ee afka qalaad loo yaqaano hemoglobin.

 

Waxay caawisaa habsami u socoshada oxygen-ka ee dhiigga gudihiisa ah.

 

Timirtu waxay ka hortagtaa shubanka maadaama ay ku jirto potassium oo ka hortagta shubanka.  


Potassium ayaa u roon caloosha iyo mindhicirada ayadoo caawisa dhalashada bakteeriya caloosha gudaheeda ah [ogaada bakteeriya oo dhan ma xuma oo qaar jirka u roon ayaa jira sida kuwa haatan anynu kasoo hadalnay].


Waxaa hadaba sida qoraalkaan intiisa kore laga dheehan karo timirtu ka hortagtaa caloosha oo qalasha ilaa qofka saxaradu ku adkaato inay ka timaado deedna cuduro ku dhacaan.


Habeynkii oo dhan hadii aad biyo la dhigto oo biyahaa aad cabto markii ay ku milanto subixii, dheef shiidka ayay saacideysaa oo musqusha ayaad si fiican u aadeysaa.

Timirtu waxay abuurtaa dareen jirka dajiya oo jirka mid istareexa ka dhiga.

Timirtu waxay xaddidaa miisaanka jirka ayadoo hilibka badan aan u ogolaan qofku inuu yeesho.


Hadii aad dooneyso inaad xeyrta jirkaaga kala dagaalanto calooshaada oo maran timirta cun.

 

Timirtu waxay leedahay sonkor dabiici ah oo jirka awood iyo nishaat siisa.

 

Timirtu ma lahan cusbo [sodium]. 5 ilaa 6 timir ah waxaa laga heli karaa in ku dhow 80 mg oo ah  magnesium oo ah macdan muhiim ah oo kujirta dhammaan xididada dhiigga taasoo kaasha socodka dhiigga gudaha jirka.

 

Qiyaas ahaan, 370 mg oo magnesium ah waxay muhiim u tahay dhimitaanka dhiig karka. Potassium waxay sidoo kale saacidaa neerfeyaasha.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]