4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2016
Ciyaarta dhex-maraysa Sabtida United iyo Arsenal oo Mar kale dib u soo kicin karta xifaaltanka ka Dhaxeeya Mourinho iyo Winger

/images/2016/Nov/

Bidix, Tababaraha Manchester United Morinho ,Midig ,Tababaraha Arsenal Wingar.


Jimco, November 18, 2016 (HOL) —Todabaadkan waxaa mar kale garoonka Old Traford isku arkaya laba kamid ah tababarayaasha ugu xifaaltanka badan horyaalka dalka Ingiriiska ,kuwaasi oo kala ah Jose Morinho iyo Arsene Wenger.

Inta badan kulamada labada tababare ayaa dhaliya buuq fara badan ,waxaana sida la diiwaan-galiyay kulamo ay yeesheen ay ku dhamaadeen foori iyo xaashi tuur xiligii uu Morinho hogaaminayay kooxda Chalsea.

Tababaraha Arsenal wali kama uusan badin dhig-giisa Morinho ,isaga oo haysta guuldarooyin dhowr ah oo uu kala kulmay Morinho ,balse xiligan la joogo waxaa gacanta sare leh Wenger oo lix dhibcood ka sareeya kooxda Manchester United.

“Waxaad ogtihiin mar walba ma guul-daraysanno , waan garaacnay iyaga , si lamid ah waxaa jira bar-baro aan wada galnay , waxaan filayaa in aan ka guulaystay tababare kasta oo aaan ka hor-imid 20-kii sano ee halkan aan joogay , tani kama dhigna tartan ka dhaxeeya laba tababare “ ayuu yiri tababaraha Arsenal mar wax laga weydiiyay arinta Morinho iyo Manchester.

“Kani waa tartan u dhaxeeya laba kooxood , waan fahansanahay in dadku ay doonayaan in ay muran abauuran , balse taasi ma ahan waxa soo jeediya dhagaha dadka , inkastoo uu yahay kulan weyne adduunka oo dhan laga daawanayo “

Wengar ayaa doonaya in uu hubiyo bad-qabka weeraryahankiisa Sanchez, kaasi oo waajibaad qaran kula maqan xulka wadankiisa ee Chile, waxaana uu dhaliyay laba kamid ah goolasha kulan loogu soo baxayay koobka adduunka oo ay la yeesheen xulka qaranka Uruguay.

Tababaraha Arsenal ayaa sheegay in ay tahay shul iyo shal in la ciyaarsiiyo Sanchez ,iyadoo sidoo kale ay dhaawacyo qabaan laacibiinta kala ah Hector Bellerin iyo Santi Casorla , waxaana sida la sheegay aan suurtagal- ahay in ay ka hor-yimaadaan kooxda Manchester.

Jose Morinho ayaan soo safi doonin todobo kamid ah ciyaar-yahanada kooxdiisa koowaad oo ay ku jiraan Chris Smalling, Eric Bailly iyo Ibrahimovic oo kulanka ku seegi doona ganaaax dul-saaran.

Ugu danbayn, waxaa shaki uu ku jiraa in ay kulankan saftaan Wayne Rooney , Maroune Fellaini , Antonio Valencia iyo Luke shaw , waxaana kulankan oo xiliga qadada waqtiga England dhacaya uu Arsenal ka dhigi kara mid ay horyaalka ugu tartami karaan hadii ay guulaystaan.

Faysal M. Hassan
[email protected]