4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2016
Ciidammadii isku horfadhiyay magaalada Gaalkacyo oo la kala qaaday

Jimco, November, 18, 2016 (HOL) -  Waxaa maanta wadda hadallo muddo dheer socday kaddib lagu guuleystay in la kala qaado ciidammadii ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug.

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke oo kaashanaya guddiyo ka kala socday labada dhinac ayaa siweyn isugu howlay siddii loo kala qaadi lahaa ciidammada isku hor fadhiyay aagagga dagaalka.

Goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidammada la kala qaaday ayaa waxaa si wadda jir ah  jaraa'id ugu qabtay ra'iisal wasaare Sharm'arke, madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan aqalka sare iyo waxgarad ka kala socda labada dhinac  ee magaalada.

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa hada wada qaban qaabo ku aadan sidii shacabka Gaalkacyo dib loogu soo celin lahaa guryahooda.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa mudo ka badan bil waxa ay isku hor fadhiyeen magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac faro badan, iyadoo kumanaan ruuxna ay ka barakaceen magaalada Gaalkacyo.

Ugu danbeyntii tallaabadan lagu kala qaaday ciidammada ayaa rajo wanaagsan u ah dadkii ka barakacay magaalada oo hadda u muuqda kuwo ku dhiiran kara in ay dib u soo guryo nodaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya