4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2016
SAWIRRO: Ardayda Hiiraan University oo baaris Caafimaad u Sameeyay Qoysas Barakacayaal ah


Jimco, November 18, 2016 (HOL) — Ardeyda Dhigta Jaamacadda Hiiraan University ee Magaalada Beledweyne, ayaa maanta baaritaanno caafimaad oo lacag la'aan ah u sameeyay qoysas barakacayaaal ah oo ku dhibaateysan daafaha magaalada Beledweyne, iyaga oo dhinaca kalana gaarsiiyay dawo lacag la'aan ah.

Gaar ahaan, Ardeyda iyo Dhakhaatiirtii booqashadooda ku Wehlinayay ayaa baaris Caafimaad u sameeyay Qoysas isugu jiray haween, Carruur iyo Dad waayeel ah oo ku nool Kaam lagu magacaabo Midnimo, oo ku yaalla dulleedka magaalada Beledweyne.

Dadkan, ayaa intooda badan la xasuusanaya cudurro, ay Kaneecada ama Malaariyo ka mid yihiin iyo nafaqa-darro, Waxaana Carruurta Qaarkood la Il-daran yihiin Shuban-biyood ka dillaacay qaybo ka mid ah Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale, Dadkii loo sameeyay loo sameeyay baaritaannada caafimaad ahaa si weyn uga mahad-celiyay Dhakhaatiirta iyo ardeyda soo booqatay, iyaga oo sheegay inay yihiin dad Dan-yar ah oo aan awoodin in ay hellaan daryeel caafimaad oo ku fillan.

Ugu dambeyntii, tallaabada ay qaadeen ardeyda Jaamacada Hiiraan University ayaa la oran karaa waa mid ku dayasho mudan, madaama barakacayaashan ay u badan yihiin Dadweyne jilicsan oo mar walba u baahan in laga war hayo xaaladooda caafimaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya