4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2016
C/qaadir Cosoble oo ku guuleystay xubinnimada aqalka hoose doorasho maanta ka dhacday Jowhar

Jicmo, November, 18, 2016 (HOL) -- Maanta oo Jimco ah waxaa wali ka sii socda magaalada Jowhar doorashada xubnaha aqalka hoose ku matallaya dowlad gobolleedka Hirshabeelle, waxaana maanta dhacay doorashadii ugu adkeyd oo labadii cisho ee la soo dhaafay khilaaf uu ka taagnaa.

Doorashadan ayaa waxaa ku loolamay C/qaadir Cosoble Cali oo horay uga tirsanaa baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee federaalka iyo guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid, Muxuyidiin Xassan Jurus.

Labada musharax oo mid walba dadaal xoog leh u gallay siddii uu uga adkaan lahaa kan kale, ayaa ugu danbeyntii, waxaa ku guuleystay xubinnimada aqalka hoose C/qaadir Cosoble Cali oo hellay 34 Cod, halka musharixii la tartamayay uu hellay 17 cod, iyadoo guud ahaan ergada codadka dhiibatay dhamaayeen 51 xubnood.

Musharixiinta u tartameysa kuraasta aqalka hoose ayaa inta badan dhaqaalle xoog leh ku bixiya siddii ay doorashada ugu guuleysan lahaayeen, taasoo marka dhinaca kale laga eego fursad dhaqaalle laga sameyn karo u ah ergada wax dooraneysa oo mar walba lagu xisaatamo codadkooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya