4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2016
Somaliland: Fadal oo ka gaabsaday inuu ka hadlo diyaarado ka fuliay hawlgal Saylac iyo Oodweyne


Jimco, November 18, 2016 (HOL) — Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin Diyaarado la sheegay, in ay Duqeeyeen meel u dhow degmadda Oodweyen iyo kuwo soo degay Saylac agteedda.

Taliyaha Ciidanka oo kulan la yeeshay Guddida Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladda ayaa markii uu shirka ka sooo baxay warbaahintu wax ka waydiiyeen diyaaradahaaasi iyo Ugaas xidhan sababta loo xidhay.

Sidoo kale, Taliye Fadal ayaa ka gaabsaday diyaaradaha lagu sheegay inay  midna ku soo degtay gobolka Saraar, halka mid kalena Gantaallo ku soo riday gobolka Daad madheedh, taas oo warbaahinta qaarkood qoreen.

Mar wax laga waydiiyey, Gantaalo ay diyaaradahaas kusoo rideen meelo u dhaw Degmada Oodw-eyne, waxa uu kaga jawaabay. "Duqaynta Adiga ayaa sheegaya, balse wax dhibaati ma jiraan”ayuu ku soo koobay.

Dhanka kale, Waxaa wax la waydiiyey Ugaas la sheegay inuu xidhan yahay oo musharaxa xisbiga WADANI ku dooday inuu xisbiga taageeray darteed loo xidhay, ayuu taliyuhu ku jawaabay in ugaasku uu sheegtay darajo aanu lahayn, isla markaana beeshiisa fidmo ka dhex bilaabay, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Ninkaasi waxa lagu xidhay sheegasho wax aanu ahayn, WADDANI-na looma xidhin, wax kale looma xidhin, beeshaasi uu ka soo jeeddo arrimo nabadgalyo daro ka dhex abuuray”.

Si kastaba ha ahaatee, Wararka naga soo gaarayay Degmada Ood-weyne, ayaa sheegay in diyaaradii ku soo riday gantaalo,halka degmadda Saylacna la sheegay in diyaarad militari oo aan rusqad u haysan soo degtay  meel wax yar u jirta xadka Somaliland iyo Jabuuti, inkastoo taliyaha ciidanka Booliska diiday inuu ka hadlo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland