4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2016
Ra’iisul Wasaaraha Jabaan ayaa noqday Hoggaamiyihii ugu horreeyay oo la kulma Donald Trump


Jimco, November 18, 2016 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa noqday hoggaamiyihii u horreeyay caalamka oo la kulma Donald Trump oo dhawaan loo doortay madaxweynaha dalka Mareykanka.

Shinzo Abe, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xiriir is-aaminaad leh uu la yeelan karo Madaxweyne Trump, waxaana kulanka labadan mas’uul uu ka dhacay guriga uu Trump ku leeyahay magaalada New York ee Mareykanka.

Donald Trump, ayaanse ka qayb-gelin shir jaraa’id oo uu qabtay Shinzo Abe, sidoo kalena waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaan kulankaan wax lug ah ku yeelan.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donalnd Trump ayaa intii uu ku jiray ololihiisii Doorashada, Wuxuu Japan iyo dalalka kale ee Qaaradda Aasiya ku yaalla ku booriyay inay dhaqaale ku bixiyaan millateriga dalka Mareykanka.

Dhanka kale, Diidmadii Donald Trump ee Ganacsiga Trans-Pacific ayaa aad iyo aad u sii hurisay walaaca waddamada Aasiya ay ka qabaan hoggaaminta cusub ee madaxweynaha Mareykanka.

Ugu dambeyn, Donald Trump oo hadallo adag oo dhan ah waddamo badan oo caalamka ku yaalla, awgeed waxaa markii la doortay hoggaamiyahan ay madaxda Dunida qaarkeed ku tilmaameen Trump, dhibaato cusub oo dunida kusoo korortay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya