4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2016
Madaxweyne Xassan Sheekh'' dhawaan waxaa la qabanayaa shirweyn lagu magacaabo Tallo Qaran''


Jimco, November, 18, 2016 (HOL) --Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhawaan la qaban doono shirweyne lagu magacaabo Tallo Qaran, kaasoo sidda uu hadalka u dhigay lagu soo ururin doono tallooyinka dadka Soomaaliyeed  ee ku kala sugan dalka iyo intaba intaba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedada shirkan laga leeyahay tahay siddii loogu jaangoyn lahaa istiraatijiyada iyo siyaasada ay ku howlgali doonto dowladda cusub ee waqtigeedu ku jaan go'an yahay 2016-2020ka.

Madaxweynaha ma uusan sheegin waqtiga shirkan la qabanayo, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in shirkan muhiim u yahay siyaasada iyo howlaha Qaran ee hor yaalla dowladda cusub ee la fillayo in dhawaan la soo dhiso.

“Waxaa magaalada Muqdisho ka dhici doona shir weyn lagu magacaabo Tallo  Qaran oo lagu soo uruurinayo Talooyinka dal iyo dibad laga keenay, talooyinkaas oo noqonaya Soomaalida cusub waqtiga soo socda ee 2016-2020, sida dowladda u dhaqmi doono iyo waxa dowladda laga sugayo oo ay dakda u sheegaan, in dowladda imaan doonta istiraatiijooyinka iyo siyaasaadka lagu dhaqan gelin lahaa, taladaas qaran oo laga soo uruuriyay dadka muhiimad weyn ayuu leeyahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu danbeyntii, shirka uu ku baaqay madaxweynaha ayaa imanaya xili mudo 12 cisho ah oo kaliya ka harsan tahay waqtiga loo ballansan yahay doorashada ugu danbeysa ee sanadkan 2016 oo la soo dooran doono madaxweynaha jamhuuriyada, halka dhinaca kale hogaamiyayaasha gobollada u muuqdaan kuwo mashquul ku ah doorashooyinka aqalka hoose ee ka dhacaya deegaannada ay maamulaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya