4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2016
Midowga Africa oo war ka soo saaray doorashooyinka ka socda qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya

Jimco, November, 18, 2016 (HOL) - Danjiraha midowga Africa ee Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay inaysan Al-shabaab marnaba carqaladeyn karin doorashooyinka ka soconaya qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa uu sheegay in meellaha qaar ay jiraan sidda uu hadalka u dhigay arbushaad iyo carqaladeyn aan badeyn oo ay ku sameeynayaan ergooyinka wax dooranaya, balse wax saameyn ah ku yeellan doonin habsami u socodka doorashada.

Ergeyga ayaa intaa raaciyay in ay xil wayn iska saareen sugidda ammaanka goobaha ay codbixinta ka dhacayso iyagoo kaashana Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, kuwaasoo qaybo badan oo ka mid ah haatanba loo carbiyay ka qayb qaadashada ilaalinta doorashooyinka dadban.

Dhinaca kale, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay  ay AMISOM waddo qorshihii ay 2018-ka kaga bixi lahayd guud ahaan dalka Soomaaliya, haatanna ay diyaarinayaan ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed ee iyaga howsha kala wareegi lahaa.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa horay u soo tababaray 10.900 oo Askar  Soomaaliyeed ah kuwaasoo la doonayo in tiradooda la gaarsiiyo 20,000, si ay u hantaan dhammaan ammaanka guud ee Dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya