4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2016
Dawlada Austaralia oo loo soo jeediyay eedeyn ah in ay ku xadgudubto qaxootiga

Jimco, Nofeembar 18, 2016 (HOL)-QM ayaa ku eedeysay dawlada Australia inay ku xad gudubto xaquuqda qaxootiga iyo dadka doonaya inay Australia galaan.

Sida dawlada dalkaasi ay ula dhaqanto magangalyo doonka ayaa saraakii QM ka tirsan ay ku tilmaameen nacayb iyo xadgudub. Australia ayaa ku xakameysa dadka magangalyo doonka ah xeryo sidii dad ka takooran dadka kale.

Jasiiradaha Australia ay ku xareyso qaxootiga ayaa waxaa ka mid ah Nauru oo u dhow Australia dadka kunoolna Soomaali ay kujiraan.

Waxaa QM ay sheegtay in arintaasi ay tahay bahdil. Sargaal ka tirsan QM oo dhawaan booqday jasiiradaa ayaa sheegay in qaxootigaa oo halkaa ay ku ilowday dawlada Australia ay halkaa ku dhibanaayeen muddo sideed sano ah.

Carruurta ayuu sheegay inay diifeysan yihiin daryeel wanaagsana aysan halkaa ku helin.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]