4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2016
73 qof oo gubtay kadib markii booyad shidaal ay qaraxday dalka Mozambique

Jimco, Nofeembar 18, 2016 (HOL)-Ugu yaraan 73 qof ayaa dab booyad shidaal oo qaraxday ka kacay ku dhintay dalka Mozambique.

Tobanaan qof oo kale ayaa dabkaa ku dhaawacmay. 'Dhimashada yaa haatan gaadhay 73', idaacada dawlada ee dalkaasi Mozambique ayaa sidaa sheegtay shalay Khamiistii.

Booyada ayaa markii ay gubatay waxaa dad meesha ka ag dhawaa ay isku dayeen inay shidaal ka xadaan dadkaa oo ku soo yaacay dabadeedna halkaa ku le'day.

Dawlada dalkaa ayaa sheegtay in 110 qof ay ku dhaawacmeen dabkaa.

Ilaa hada ayaan la ogaan sababta rasmiga ah ee gaarigaasi u gubtay una qarxay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]