Guddiga doorashada Soomaaliya oo ka hadlay xubnaha labada aqal ee gobollada W/qooyi
Khamiis, November, 17, 2016 (HOL) -Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay ka
hadlay doorashada xubnaha aqalka sare iyo kan hoose ee ka imanaya gobollada
W/qooyi Soomaaliland.
Avv. Cumar Max'uud C/dulle [Cumar Dhagey]
guddoomiyaha guddiga doorashada dadban oo warbaahinta kula hadlay
magaalada Muqdisho sheegay in madasha-wadda-tashiga Qaran loo gudbiyay
xubnaha aqalka sare ku matali doona gobollada W/qooyi dhawaanna la
shaacin doono.
Dhinaca kale, mar uu soo hadal qaaday xubnaha
aqalka hoose ku matallaya baarlamaanka federaalka gobollada W/qooyiga
Soomaaliya [Soomaaliland] ayuu sheegay in lagu dooran doono magaalada
caasimada ah ee Muqdisho.
Waxaa uu mar kale ku celiyay
guddoomiyaha in doorashada guud ahaan Soomaaliya ku dhici doonto
waqtigii loo qabtay, islamarkaana ilaa iyo hadda aysan jirin wax dib u
dhac ah oo ku yimid.
Doorashooyinka Aqalka Sare ayaa waxa ay ka dhaceen maamul
goboleedyada Galmudug, Hirshabeele, Koofurgalbeed, Jubbaland iyo
Puntland, waxaana heer gabagabo ah maraya doorashooyinka Aqalka Hoose ee
maamul goboleedyada.
Inkastoo guddoomiyaha guddiga doorashada uu sheegay in durbaba la soo
gudbiyay xubnaha aqalka sare ku matallaya gobollada W/qooyi, haddana
waxaa jira muran xoog leh oo arintan ka taagan.
Gaar ahaan
qoraalkii dhawaan ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof
Jawaari ee looga hadlay doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada
W/qooyi, waxaana arintaa ka hor yimid siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo
jeedda gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, oo ku eedeeyay guddoomiyaha in
uu baalmaray hishiiskii madasha-wadda-tashiga.
Ugu danbeyntii,
lama oga sidda ay dowladda ku wajihi doonto khilaafkan cusub ee mar kale
ka dhashay sidda loo qeybsanayo 11ka xubnood ee aqalka sare ku
matallaya gobollada W/qooyi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]Beledweyne, Soomaaliya