4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 17, 2016
Guddoomiyaha City University oo Maanta u Furay Siminnaar Qaar ka mid ah Macallimiinta Dugsiyada Sare


Khamiis, November 17, 2016 (HOL) — Jaamacadda City University oo Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho ka mid ah, ayaa Maanta tababar u furtay qaar ka mid ah Macallimiinta iyo Maamulka Dugisyada Sare ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, Tababarkan oo socon doona muddo dhawr maalmood ah.

Tababarkan ayaa lagu bari doonaa macallimiinta sida ugu habboon ee wax ay u bari karaan Ardayda, isla markaana ay ula socon kara sida Ardayga uu wax u fahmay, Ardayduna ay u sameyn lahaayeen dood-cilmoyeed la xiriirta casharrada ay qaataan.

Siminaarkan ayaa waxaa bixinayay gudoomiyaha Jaamacada City University Prof. C/llaahi Axmed Bariise oo haysta shahaadada PhD, kuna Takhasuasay Teaching and learning (wax barista iyo wax barashada), isagoo ku boorriyay Macallimiinta Siminnaarkan loo qabtay in ay xoojiyaan Wax-baridda ardayda.

 Siminaarkan Maanta furmay, ayaa wuxuu ku saabsanaa, Sida ugu wanaagsan ee Ardayda wax loo bari karo oo loo yaqaan; 'Student Centred Learning'. “Waxaa loo baahan yahay in ardaygu uu wax ku yeesho Aragti dhiibashada, isla markaana lala socdo in ardaygu uu wax fahmay iyo in kale,” ayuu yiri Prof. C/llaahi Axmed Bariise oo furitaanka Siminnaarkan ka jeedinayay hadal.

Ugu dambeyntii, Jaamacadda City University, ayaa Dalka keentay Wax-barasho Tayo leh, iyadoo billoowday sidii loo tayeyn lahaa Macalimiinta Iskuullada iyo Jaamacadaha Dalka, si loosoo saaro arday leh waxbarasho tayeysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya