4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 17, 2016
Muqdisho: Koox ku weerartay bambaano guri nin boolis ah daganaa

Khamiis, Nofeembar 17, 2016 (HOL)-Koox ayaa xalay bambo gacmeed ku weerartay guri uu deganaa askari ka tirsanaa booliska Soomaaliyeed ee caasimada Muqdisho.

Askarigii ayaa halkaa ku geeriyooday ayadoo gurigu ku yaalo xaafada Xamar Jajab. Dhowr qof oo kale oo rayid ah ayaa halkaa ku dhaawacmay. 

Dableydii ayaa intaa kadib waxaa u suurta gashay inay baxsadaan.

Dhacdo kale, labo nin oo xirnaa dareeska ciidamada ayaa dhac u geystay dad ku sugnaa halka lagu magacaabo Beerta Jaadka ee Muqdisho.

Intaa kadib ayaa waxaa labadii nin toogasho ku dilay ciidamada booliska.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]