4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 17, 2016
Maxkamadeyntii wiilasha Daacish lala xiriirshay ee Minnesota oo soo gabagabowday

Khamiis, Nofeembar 17, 2016 (HOL)-Xalay (oo shalay u ah Mareykanka) ayaa waxaa Minnesota Mareykanka lagu soo gabagabeeyay dacwadii ka dhanka ahayd wiilasha Soomaaliyeed ee loo heystay inay xiriir la yeesheen Daacish.

Mid ka mid ah wiilashaa ayumbaa Oromo ah inta kalena waa Soomaali. Dacwada oo maxkamad magaalada Minnesota kutaala ay qaaday ayaa waxaa lagu xukumay 9 dhallinyaro ah.

Dacwadaha oo dhageysigoodu soo socday 3dii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dhallinyaradaa waxaa lagu xukumay min hal sano ilaa 35 sano oo xarig ah.

Guuleed Cali Cumar-35, sano oo xarig ah

Maxamed Cabdixamiid Faarax, 30 sano oo xarig ah

C/Raxmaan Yaasiin Daauud, 30 sano oo xarig ah

Cadnaan Faarax, 10 sano oo xarig ah

Xamza Cumar (wiilka Oromada ah), 15 sano

Cabdirisaaq Warsame, 30 bilood oo xarig ah

C/Laahi Yuusuf, 1 sano oo xabsi guri ah iyo 20 sano oo dhaqdhaqaaqiisa lala soconaayo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]