4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
AKHRISO: Magacyada iyo Jagooyinka Wasiirada cusub ee Dalka Itoobiya oo la Meel-mariyay

Talaado, November 01, 2016 (HOL) — Baarlamaanka dalka Itoobiya, ayaa meel-mariyay Wasiirada Cusub ee Itoobiya oo RW Hailemariam uu isku shaandheynta ku sameeyay, Wasirradan oo magacaabidooda ay imaanayso iyadoo waddankaas dhawaan la geliyay xaalad Deg-deg ah.

Wasiirrada Cusub ee Dalka Itoobiya oo ka kooban 21 Wasiir, ayaa Waxaa ku jira Wasiirro cusub, iyadoo xilalkii laga qaaday wasiirro xulufo la ahaa RW dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, kuwaasoo uu ku jiro Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Itoobiya, Tedros Adhanom.

Sidoo kale, Isku-shaandheynta ayaa waxaa loo arkaa in Dowladda Itoobiya ay ku doonayso inay wax uga qabato cabashooyinka loosoo jeedinayay tan iyo Sannadkii hore, Markaas oo ay billowdeen bannaanbaxyada rabshadaha wata.

Haddaba, Golaha Wasiirrada Cusub ee Waddanka Itoobiya ayaa Waxay ka mid ah;

01. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen
02. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Workneh Gebeyehu
03. Wasiirka Gaashaandhigga, Siraj Fegessa
04. Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Debretsion Gebremichael
05. Wasiirka Warshadaha, Ahmed Abitew
06. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaaaha, Abdulfetah Abdulah
07. Wasiirka Maaiiyadda, Dr. Abreham Tekeste
08. Wasiirka Ganacsiga, Dr. Bekele Bulado
09. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga, Prof. Fekadu Beyene
10. Wasiirka Beeraha iyo Khayraadka, Eyasu  Abrha
11. Wasiirka Gaadiidka, Ahmed Shide
12. Wsiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Ristu Yirdaw
13. Wasiirka Dhismaha, Injneerad Aisha Mohammed
14. Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Korontada, Dr. Sileshi Bekele
15. Wasiirka Shidaalka, Motuma Mekassa
16. Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Dr. Gemedo Dale
17. Wasiirka Waxbarashada, Dr. Shiferaw Tekelemariam
18. Wasiirka Caafimaadka, Prof. Yifru Berhane
19. Wasiirka Haweenka iyo Carruurta, Demitu Hambissa
20. Wasiirka Xafiiska Xiriirka Xukuumadda, Dr. Negeri Lencho

Ugu dambeyn, Waxaa xusid mudan in Wasiirradan Cusub ay ku jiraan xubno Soomaali ah, kuwaasoo loo magacaaay Wasaarado muhim ah, iyadoo Golaha cusub ee Wasiirrada ay ka mid yihiin; xubno ka tirsan Axsaabta Mucaaradka Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya