4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la wareegay ammniga xarunta madaxtooyada Galmudug

Talaado, November, 01, 2016 (HOL) --Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM si rasmi ah maanta looga wareejiyay xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug.

Dhawaan ayeey aheyd markii degmada Cadaado la geeyay ciidamo ka socda dowladdaha Burundi iyo Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM si ay u ilaaliyaan ammniga doorashada xubaha aqalka hoose.

Ciidammada maanta lagu wareejiyay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa fariisimo malitari ka sameystay daafaha xarunta, iyaga oo dhamaanba xiray jidadka soo galla.

Horay ayeey ciidammadan fariisin uga sameystay garoonka diyaaradaha degmada Cadaado, iyaga oo maantana si rasmi ah loogu wareejiyay xaruntii maamulka Galmudug.

Ciidamada AMISOM ee la geeyay Cadaado ayaa taradooda lagu sheegay 400 oo askari kuwaa oo loogu tala-galay oo kaliya in ay sugaan nabad-galyada deegaanka mudada lagu guda jiro howlaha doorashada.

Ugu danebeyntii, magaalada Cadaado ayaa isku diyaarineysa doorashada aqalka hoose, iyadoo magaalada ay ku sii qul qulayaan musharaxiin xildhibaan oo dadaal ugu jira sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kursiga aqalka hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya