4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya oo xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha dibada

Talaado, November,01, 2016 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mas'uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa dhinaca kalana siyaasad ahaan aad ugu dhawaa.

Ra'iisal wasaaraha ayaa is badal looga gon leeyahay in lagu dajiyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalkaa ku sameeyay gollihiisa wasiirada isaga oo shaqdii ka eryay wasiiro aan laga fileyn.

Ra'iisal wasaare Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub, waxaana xil ka qaadis lagu sameeyay wasiirradii arrimaha dibada iyo maaliyada.

Ku dhawaad hal sanno waxaa dalka Itoobiya ka soconaya dibadbaxyo ay dhigayaan qaar ka mid ah qowmiydaha dalkaas, waxaana dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo lagu sugayo ammniga.

Xil ka qaadista Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaan aheyn mid layaab ah, maadaama la sheegay in uu u tartamayo qabashada xilka madaxa hay'adda caafimaadka aduunka WHO, waxaana uu ka mid ahaa wasiirada ugu miisaanka cuslaa xukuumada.

Waxaa lagu bedelay Tedros Adhanom Hoggaamiye ku-xigeenka Ururka Dimoqraadiga Oromada, kuwaasoo qeyb ka ah isbaheysiga tallada haya.

Ugu danbeyntii, waxaa la filayaa in la sameeyo is badallo kale oo dowladda hadda jirta si looga jawaabo cabashada qowmiyadaha dalkaas ee dibadbaxyada dhigaya oo ku eedeynaya dowladda in maamulkii lagu koobay qowmiyadu gaar ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya