4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
Musharrax Hillary Clinton oo sheegtay inaan lagu helii karin dambi la xiriira Fadeexada Email-lada


Talaado, November 01, 2016 (HOL) — Hillary Clinton Waxay sheegeysa inay ku kalsoon tahay in baaritaanka FBI-da ee email-lada cusub ee lasoo bandhigay aysan Sababi karin in lagu helo kiis ayada ka dhan ah.

Musharraxa Madaxweyne ee cisbiga Dimuquraadiga, waxay taageerayaasheeda u sheegtay in baarayaashu ay gaari doonaan gebogebo la mid ah baaritaankii bishii July oo ahaa in la ogaaday inaysan wax qalad sameyn.

Ayadoo ka hadleysay gobolka Ohio, Mrs Clinton, waxa ay sheegtay in FBI-da aysan helin doonin cadeyn lagu dacweyn karo. Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa soo dhexgalay muranka cusub ee ruxay ololaha doorashada ee dalkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in agaasimaha FBI-da, James Comey, uusan isku deyi doonin inuu galaangal ku yeesho natiijada doorashada.

Xoghayaha arrimaha warbaahinta ee Aqalka Cad, Josh Earnest, ayaa sheegay in FBI-da ay u madaxbannnan tahay inay waajibaadkeeda gudato.

Ugu dambeyn, Xubin sare oo ka tirsan xibiga Dimuquraadiga ayaa si adag u cambaareeyay Mr Comey, kaddib markii FBI-da Mareykanka ay isbuucii aanu soo dhaafnay sheegtay inay baareyso haddii email-lada cusub ee la soo bandhigay ay ku lug leedahay Clinton.

XIGASHO BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya