4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
Xoghayihii ururka iskaashiga islaamka oo is casillay

Talaado, November, 01, 2016 (HOL) -Xog-hayihii  guud ee ururka iskaashiga islaamka Iyad Abadi ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay ururka sababo la xiriira xaaladiisa caafimaad.

Xoghayaha xilka ka tagay Iyad Abadi oo 70 sano jir ah, ayaa xilkan xoghayaha ururka iskaashiga islaamka qabtay sanadkii 2012 kii, waxaana wararku sheegayaa in ay dhinaca siyaasada ku kala leexdeen madaxweynaha dalka Masar Abdul Fatah Asisi.

War ka soo baxay boqortooyada Saudi Arabia ayaa lagu sheegay in xilka uu baneeyay Iyad Abadi ay u u diyaarinayaan Yuusuf  Bin Axmed  Al –Osameyn oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibada Saudi Arabia .

Ugu danbeyntii, wasaarrada arrimaha dibada dalka Masar ayaa la sheegay in ay soo dhaweysay musharaxa cusub ee loo diyaarinayo in uu buuxiyo booskii shaqo ee uu ka tagay Iyad Abadi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya