4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
Kenya iyo Sudan oo kala saxiixday heshiis

 

Talaado, Nofember 01, 2016 (HOL)-Dowladaha Kenya iyo Sudan ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqeyn ah oo ku aaddan sare u qaadida howlaha la xiriira wax soo saarka shidaalka iyo macdanta. 

Kenya ayaa la filayaa inay si weyn uga faa’iideysato heshiiskaa maadaama ay Sudan khibrad u leedahay horayna u sameysay wax soo saarka macdanta iyo shidaalka labadaba. 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa dalka Sudan Cumar Xassan Al Bashiir ayaa si wada jir ah goob joog uga ahaa munaasabaddii lagu saxiixay heshiiska ay gaareen labada dowladood mar dhawaan Kenyatta uu booqday Khartoum, Sudan. 

Kenyatta ayaa booqasho ku tagay Sudan  si uu kulamo ku saabsan xiriirka labada wadan ula yeesho madaxda Sudan ee uu ugu horeeyo madaxweyne Xassan Cumar Al Bashiir.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]