4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
Al-shabaab oo lagu eedeynayo in ay dad rayid ah ku dilleen Tiyeegloow

Talaado, November,  01, 2016 (HOL) -Xoogagga Al-shabaab ee dhawaan la wareegay deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Bakool ayaa lagu waramayaa in ay halkaa ku dilleen tiro dad rayid ah tan iyo markii ay halkaa la wareegeen.

Dadka ay dilleen Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay isugu jireen ganacsato iyo dad kale oo rayid ah oo ay ku eedeeyeen jawasiis iyo in ay la shaqeyn jireen ciidamadii dowladda iyo kuwii Itoobiya ee halkaa isaga baxay.

Max'ed Isaaq Afaraale oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ka soo jeedda gobolka Bakool, ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka islamarkaana dileen tan iyo mudadii ay halkaa la wareegeen tiro ka badan shan ruux oo rayid ah.

''Waxaan leenahay waa in loo gurmadaa dadka deegaanka, gaar ahaan maamulka K/galbeed waa in uu xil gaar ah iska saaraa siddii deegaannadaa looga saari lahaa Al-shabaab ayuu yiri'' xildhibaanka.

Ugu danbeyntii, boqolaal qoys oo ka barakacay degmada Tiyeeglow ayaa gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana dadkaas la sheegay in xaalado nololeed ay la soo deristay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya