4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
Kenya iyo Tanzania oo heshiis la dagaalanka kooxaha loogu yeero xagjirka kusaabsan wada gaaray

 

Talaado, Nofember 01, 2016 (HOL)-Dowladaha Kenya iyo Tanzani ayaa isku afgartay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay in dib loo soo dhiso gudi iskaashi oo labada dhinac ka socdo kaas oo horseed u ah in labada wadan ay sare u qaadaan ganacsiga u dhaxeeya.

 

Shir saxaafadeed shalay aqalka madaxtooyada ee dalka Kenya ay kuwada qabteen labada madaxweyne ee Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Tanzania, Johm Pombe ayey ku shaaciyeen in si wada jir ah ay ugu heeshiiyeen arimaha ganacsiga iyo ladagaalanka kooxaha loogu yeero xagjirka ama argagaxiso.

 

Madaxweynaha Tanzania John Pombe Magufuli ayaa booqasho haatan ku jooga dalka Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi oo uu kulamo dhawr ah kula qaadanayo madaxda Kenya.

 

Booqashada uu Mr Magufuli ku yimid Kenya oo qaadan doonta mudda laba maalin ah ayaa la filayaa in ay dib usoo cusbooneysiiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood ee Kenya iyo Tanzania.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]