4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2016
Somaliland oo beenisay in la xaday xogta doorashada

 

Talaado, Nofember 01, 2016 (HOL)-Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Soomaaliland C/qaadir Iimaan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegaya in la xaday xogta ku saabsan doorashooyinka Soomaaliland.

 

Waxaa uu sheegay xogta doorashooyinka Soomaaliland in ay tahay mid qaran, arrimaha la isla dhexmarayana ay yihiin kuwo been abuur ah oo sal iyo raad midna aan laheyn.

 

C/qaadir Iimaan Warsame, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland ayaa sidoo kale waxaa uu sheeagay dadka doorashooyinka Soomaaliland ku lugta leh in ay yihiin kuwo aamin ah.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]