Khamiis, May 12, 2016 (HOL) —Ciyaartooy laga soo xulay gobollada Jubaland ayuu maalmihii u danbeeyay tababar uga socday magaalada Kismaayo, ayagoo diyaargaroow ugu jirta koob kubadda cagta ah oo magaalada Muqdisho loogu qaban doono dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Koobkan oo la filayo in uu furmo 20-ka bishan ayaa waxaa ku loolami doona ciyaartooy matali doonta dowlad goboleedyada dhisan iyo qaar kale oo ka iman doona gobollada dalka.
Bishaar Cali Axmed (Kaata) oo kamid ahaa ciyaartooydii usoo dheeshay gobolka J/hoose xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya, haatanna kamid ah macalimiinta leeylineeysa xulka gobolka J/hoose ayaa HOL u sheegay in ciyaartooyda ay maalmihii u danbeeyay ku tababaranayeen xeebta Liido ee magaalada Kismaayo, isagoo xusay in haatan ay heystaan aalamiindo ku filan.
“Ciyaartooydan waxaa laga soo xulay sedexda gobol ee Jubaland, waa ciyaartooy tayo leh, waxaana ku rajo weynahay in ay guul kasoo hoyi doonaan tartanka lagu qaban doono Muqdisho,” ayuu Macallin Kaata hadalkiisii raaciyay.
Gobollada Jubooyinka ayaa caan ku ah ciyaaraha kubadda cagta, ayadoo xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu gobolka J/hoose ku guuleystay 9 koob oo kamid ahaa 17 koobood oo loo qabtay gobollada dalka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Ciyaartooyda kubadda cagta Jubaland oo diyaargaroow ugu jirta koob loo qaban doono dowlad goboleedyada
More News
- Mid ka Mid ah Beeraha Waaweyn ee Boorama oo loogu magac-daray Magaalada Henley ee Britain
- SAWIRRO: Yoweri Kaguta Museveni oo Maanta Markii 5-aad loo la dhaariyay Hogaanka Uganda
- Shir uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ka Qayb-galay oo ka Dhacay Muqdisho (Sawirro)
- Kulan looga Hadlay Khilaaf ka Dhashay Joojinta 500 ee Shillin oo Maanta ka dhacay Laascaanood
- Golaha Wasiirada DF oo Guddi Gaar ah u Saaray Go’aanka ay Kenya ku xirayso Xeryaha Qaxootiga
- Maamulka Balad-xaawo oo sheegay in ay heleen Hub iyo Waxyaabaha Qarxa oo lagu Aasay Guri
- Yoweri K. Museveni oo loo Dhaarinayo Markii Shanaad Xilka Madaxnimo ee Waddanka Uganda
- Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo Dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose
- JOHN KERRY: Kenya waa inaysan xirin Xeryaha Qoxootiga - ayna Shuruucda Qoxootiga Dhawrto
- Dawlada Soomaaliya oo Hub Kenya Laga Soo Qaaday Dib ugu Celisay Dawlada Kenya
- Donald Trump oo sheegay inuu laabtay Hadalkii Muslim Nacaybka ahaa ee uu horay u jeediyay
- Ganacsatada Dhadhaab oo Walaac ka muujiyay Go'aanka ay Kenya ku xirayso Xeryahaas
- Dagaal u dhexeeya ciidanka Dowladda Somalia iyo Al-shabaab oo ka socda Dulleedka Afgooye