4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2016
CADAADO: Madaxweynaha Galmudug oo lagu eedeeyay Dagaalkii ka dhacay Dhuusa-mareeb


Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) — Xildhibaano ka tirsan baaralamaanka Galmudug ayaa ku eedeeyay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Goboka Galguduud inuu soo abaabulay kana dambeeyay sida hadalka ay u dhigeen Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xusseen Guulleed.

Mudanayaashan oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa Nasiib-darro weyn ku tilmaamay in dagaalkii shalay ay ka qayb-qaateen ciidammo ka tirsan Galmudug oo loogu talo-galay inay la dagaallamaan Al-shabaab, laakiin taas bedelkeeda loo weeciyay dagaalka dhanka degmada Dhuuso-mareeb.

“Annaga waxaan u aragnaa dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dhuusa-mareeb dagaal uu abaabulay madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed, iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dhexe,” ayay xildhibaanadu u sheegeen Warbaahinta.

Sidoo kale, waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen Wararka sheegaya inuu wada-hadal u socdo maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna iyo Maamulka ay ka tirsan yihiin, iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug in uu sheegay arrintaan.

“Madaxweynaheenna Meel kasta oo uu tago, Wuxuu ka sheegtaa inuu socdo Wada-hadal u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusunna, waxaanan cadeynaynaa inuu Arintan ka been sheegay madaxweynuhu, mana jiro wax Wada-hadal ah oo u socda labada maamul,” ayay mar kale sheegeen xidhibaannadan ka tirsan Galmudug.

Ugu dambeyntii, eedeyntaan ayaa Noqonaysa tii ugu ballaarneyd oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay u jeediyaan Madaxweynaha Maamulkooda, C/kariin Guulleed oo ay dusha uga tuureen dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Dhuuso-mareeb.

Si kasta ha ahaatee, Xaaladda Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa Deggeneyd Maanta, iyadoo Shacabkii ka barakacay magaaladaas ay qaarkood maanta billaabeen  inay dib ugu noqdaan guryahooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya