4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2016
Kulankii RW Somalia & Xubnaha kale Su’aalaha lagu Weydiinayay oo Caawa lasoo Gaba-gabeeyay


Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) — Waxaa Fiidnimadii Caawa lasoo Gaba-gabeeyay Shir albaabadu u xirnaayeen oo xildhibaannada Baarlamaanka FS ay su’aalo ku saabsan amniga dalka ku weydiinayeen RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumaddda Somalia iyo Taliyeyaasha Ciidamada Somalia qaarkood.

Kulankan oo ahaa mid daba-socday kulan ay shalay xildhibaannadu su’aalo ku weydiiyeen RW Somaia iyo Xubnaha Dowladda Somalia ka tirsan ayaa waxaa 20-xildhibaan oo shalay aan fursad u helin inay su’aalahooda Weydiiyaan mas’uuliyiintan ayaa maanta su’aalo kala duwan weydiiyay.

Ra’iisul Wasaaraha Somala, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Max'ed iyo Taliyaha Nabad-sugidda Qaranka, C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa su’aalaha uga jawaabayay xildhibaannada.

 

Inkastoo, aan laga ogeyn Jawaabihii ay Mas'uuliyiintu ka bixiyeen su'aalaha, ayaa haddana sida gunaanadkii shirka la sheegay waxaa lagu wadaa in Sabtida soo socota ay Guddoonka Baarlamaanka Somalia ay Shaaciyaan su’aalaha labada maalmood la weydiiyay Xubnahan iyo jawaabihii ay ka bixiyeen.

Dhanka kale, Kulanka oo loo diiday inay saxaafaddu goobjoog ka ahaato ayaa waxaa lasoo gunaanaday caawa fiidkii, Waxaana wararka xildhibaannada qaar ka mid ah laga helayo ay sheegayaan in su’aaluhu ay u badnaayeen kuwo la xiriira qaraxyadii Magaalada Muqdisho iyo Baydhaboa ka kala dhawaan iyo Tallaabada xukuumaddu qaadday.

Ugu dambeyntii, Shirkaan ayaa waxaa lasoo Gunaanaday 7:00 Fiidnimo ee Caawa, isagoo noqonaya Kulankii ugu Horreeyay Noociisa oo Xilli Habeen ah lasoo gaba-gabeeyo marka laga reebo kulammada ay xildhibaannadu ku jiraan doorasho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya