SAWIRRO: Biyo La'aan aad u ADAG oo soo Food Saartay Shacabka ku Nool Degmada Baladweyne

Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) — Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne magaalada Beledweyne, ayaa wajahayay biyo la'aan adag oo soo food saartay, kaddib markii uu biyo-yareeyay webiga Shabelle oo inta badan ay ku tiirsanaayeen ceelasha kala duwan ee biyaha siiya Xaafadaha Magaalada.

Muuqaalka, midabka iyo dhadhanka biyaha wabiga ayaa is badallay taasoo shaki badan ku abuurtay dadka oo looga digay in ay cabaan xiligaan biyaha Webiga oo laga yaabo in ay ka dhashaan cuduro kala -gadisan.

Warshadaha yar-yar ee Biyaha sifeeya oo laftooda aan tiro badneyn ayaa billaabay inay ka iibiyaan dadka biyo nadiif ah, laakiin marka dhinac laga eego qof walba aysan suuro-tagal u ahayn inuu iibsado, madaama caaga 20 liitar qaadka ah laga siinayo qofka lacag dhan 30, 000 oo shilin Soomaali ah una dhiganta $1.5.

Fuustada Biyaha Nadiifta ah ayaa hadda Magaalada Baladweyne, waxay ka Mareysa Lacag dhan 200,000 oo Shillin Soomaali ah, oo u dhiganta ku dhawaad $10 oo ah qiime aan wali horay fuustadaha biyaha loo kala siisan.

Haddaba NGO-ga lagu Magacaabo Dhugad oo ay ku Mideysan yihiin dhallinyarro mudda-dawaciin ah oo iskood isku abaabulay ayaa durbaba bilaabay in ay biyo gaarsiiyaan dadka u baahan ee aan awoodin inay iibsadaan biyo nadiif ah, kuwaa oo ay dantu ku qasabtay in ay u bareeraan cabista biyaha wabiga, waxaana dadkan biyo dhaaminta loo bilaabay ka mid ah kuwa degan daafaha magaalada gaar ahaan xeryaha ay ku jirraan dadka barakacayaasha.

C/qaadir Faarax Aadan [Jabiye] oo ah Madaxa NGO-ga Dhugad, ayaa HOL u sheegay inay Booyado biyo ah subax kasta ka keenaan deegaanka Ceel-gaal oo 11-km u jira Beledweyne kaddibna u kala diraan xaafaddaha magaalada, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaraya dadka dan-yarta ah ee aan awoodin in ay biyaha iibsadaan.

“Dhibaato biyo-la'aaneed ayaa ka taagan Magaalada Baladweyne, Sidaa daraadeed waxaan Garannay in Dadka biyo nadiif ah la soo gaarsiiyo si looga maarmo cabista biyaha Webiga, dhowr booyadood oo biyo ah ayaan subax kasta kasoo qaadnaa ceelka deegaanka Ceel-gaal Annagoo si bilaash ah ama lacag la'aan ah ugu Qaybina xaafadaha Baladweyne, gaar ahaan xeryaha ay degan yihiin dadka dan-yarta ah,'' ayuu yiri C/qaadir Jabiye.

Mar aan wax ka weydiinay cidda ka taageertan arrintan biyo dhaaminta ah ayuu sheegay in illaa hadda aysan jirin cid gacan ku siiyay, balse ay garteen inay jeebkooda isticmaalaan, si looga fogaado cudurro iyo dhibaatooyin kale oo ka dhalan karra isticmaalka biyaha wabiga Shabeelle.

Hay'adaha samafalka ayaa xiligan ka digaya in cabitaan loo isticmaalo biyaha ceelasha ku yaalla magaalada oo intooda badan ku xirran wabiga Shabeelle, siddoo kalana digniin taa la mid ah waxaa soo saaray maamulka heer degmo.

Duqa magaalada Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim [Baadiyoow], ayaa uga digay dadka ku dhaqan magaalada isticmaalka biyaha ceelasha, isaga oo ku booriyay in ay isticmaalaan biyo nadiif ah.

Maamulka degmada Baladweyne ayaa ku amaanay NGO-ga Dhugad tallaabada ay qaadeen ee biyo dhaaminta ah, iyagoo dhinacooda sheegay in ay gacan ka geysan doonaan olalahan dadka lagu gaarsiinayo biyaha nadiifta ah.

Ugu dambeyn, Haddii aad rabto in aad arrintan ka qeyb-qaadato la xiriir Tel: 0615531098 ama Acount Dahab-shiil - BWN, 279, Salaam Bank BWN, 30627428, AMAANA BWN, 102122823.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya