4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2016
Soomaaliya oo aan Lagu Darin Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC)

Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL)-Ayadoo shalay ay ahayd markii la qabtay kulankii 17aad ee caadiga ahaa ee madaxweyneyaasha dalalka Bariga Afrika ee kujira EAC laguna qabtay magaalada Arusha ee Tanzania ayaa lagu daray Koofurta Suudaan EAC.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya weli codsigii ay uga mid noqon lahayd wadamada jimciyadaa kujira lagama aqbalin.

Shirkaa ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xaalada siyaasadeed iyo tan amni ee dalalka Burundi iyo Soomaaliya.

Dalalka kujira urur goboleedka EAC ayaa waxaa ay kala yihiin Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Koofurta Suudan oo shalay ku biirtay.

Soomaalida qaarkeed ayaa aaminsan inaysanba u wanaagsanayn Soomaaliya inay ku biirto EAC halka qaarna ay la tahay inay u wanaagsan tahay inay ka mid noqoto.

Aden Maxamed Warsame
Hiiraan Online
[email protected]