4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2016
Murashaxa Madoow ee Mareykanka Ben Carson oo isaga Haray Tartamadii Doorashooyinka USA


Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) — Murashaxa Madowga ah ee Ben Carson oo ka Tirsan Murashaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, ayna is-hayeen maal-qabeenka Donald Trump ayaa xalay ku dhawaaqay inuu ka haray ololaha doorashada, kaddib markii uu guul-darro weyn kala kulmay Cod-bixintii laga qaaday 11 Gobol oo ka mid ah Gobollada Dalka Mareykanka.

Ben Carson ayaa ka mid ahaa Shantii Musharrax ee kasoo dhex baxay Xubnaha ka socday Xisbiga Jamhuuriga ee tartamayay, ayaa ahaa dhakhtarka Maskaxda Qala, Waxaana ahaa Nin si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama oo isaga laftiisa kasoo jeeda Mareykanka Madow.

Sidoo kale, Ben Carson ayaa taageero aad u yar ka helayay Xag-jiriinta masiixiyiinta ah ee Dalka Mareykanka oo intooda badan taageera Xisbiga Jamhuuriga, laakiinse Musharraxan ayaan helin ergooyin ku filan oo Shirka Xisbiga Jamhuuriga hor-geyn karo, kaasoo ah mid lagu kala saarayo Murashaxiinta Xisbigaas uga qaybgalaya doorashada guud ee November sannadkan ka dhacaysa Mareykanka, Isagoo illaa hadda haystaan Toddoba ergo oo keliya.

Hadal uu jeediyay markii uu ku dhawaaqayay go’aankiisa uu Tartanka Doorashooyinka ee ka socda Mareykanka kaga harayo ayuu sheegay inuu dagaal baaxad leh kala kulmay maal-qabeennada iyo Madaxda Awoodda ku leh Dalka Mareykanka, kuwaasoo uu sheegay in ay fikirkiisa kasoo horjeesteen.

“Dadkeyga ayaa ii sheegay in siyaasaddu ay tahay shaqo musuq-maasuq badan, inay tahay Hawl shar ah, inaan la ogeyn karin sida ay noqon doonto,” ayuu hadalkiisa ku yiri Carson oo intaas ku daray. "Caawa laga billaabo waxaan idiin caddeynayaa inaan doorashooyinka ka haray."

Carson oo 64-jir ah ayaa wuxuu siyaasadda Mareykanka kusoo biiray horraantii sannadkii 2013-kii. Wuxuuna ku sheegay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta dalka Mareykanka in Siyaasaddu aysan ahayn mid waji loogu soo hagaago leh; iyadoo iska beddelaysa halkii aad ku ogeyd.

Murashaxaan, ayaa wuxuu sidoo kale ahaa Ruux aad u dhaleeceeyay Barack Obama oo ah Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna ku tilmaamay inuusan aan ahayn Mareykan dhalad ah, ayna khalad tahay in Madaxweyne looga dhigo shacabka faraha badan ee Mareykanka.

Ugu dambeyn, Ben Carson ayaa ku Fashilmay Tartankiisa doorashada iyadoo ay horay uga soo yeereen hadallo aad loola yaabay, Sidoo kale qaar ka mid ah xubnihii u ololeynayay ay qireen inuu yahay ruux aan wax kala socda Caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya