4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2016
BURUNDI: Mucaaradka oo sheegay in ay si weyn u soo Dhaweynayaan Dhex-dhexaadiyaha Cusub


Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) — Mucaaradka dalka Burundi ayaa maanta sheegay inay soo dhaweynayaan Magacaabidii shalay loo magacaabay Madaxweynihii hore ee Tanzania, Benjamin Mkapa inuu noqdo Dhex-dhexaadiyaha Nabadda dalka Burundi, iyadoo Xilka ay u magacaabeen xubnihii ka Qayb-galayay shirkii ururka bulshada Bariga Afrika ee EAC ee Caruusha, Tanzania ka dhacay.

Benjamin Mkapa oo 77-jir ah ayaa waxaa xilka loogu magacaabay sidii uu wax uga bedeli lahaa Wada-hadallada Nabadeed ee u dhexeeya Mucaaradka ah iyo Xukuumadda Burundi, isagoo xilka kala wareegaya madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

“Waa war wanaagsan in madaxweynihii hore ee Tanzania Benjamin Mkapa loo magacaabo Dhexdhexaadiyaha colaadda dalka Burundi,” ayuu yiri afhayeenka kooxaha mucaaradka ah ee CNARED, Pancras Cimpaye.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Mkapa uu yahay qof si Wanaagsan wax uga ogaa Heshiiskii lagu soo Af-jarayay Colaadihii Sokeeye ee Burundi ee lagu Qabtay Magaalada Caruusha ee Waddanka Tanzania.

“Innagu... Mucaarad ahaan... Waxaan rumeysanahay inuu wax wanaagsan ka qaban doono howlaha lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada Burundi, uuna Xilkiisa si aad u Wanaagsan u gudan doono,” ayuu hadalkiisa ku daray Cimpaye oo mucaaradka u hadlay.

Afhayeenka Xoogaga Mucaaradka Burundi ayaa beeniyay in Yoweri Moseveni uu dhabbe wanaagsan u jeexay wadahadallada nabadeed ee Burundi, isagoo xusay inuu ahaa ruux ku mashquul-sanaa doorashooyinkii ka dhacay dalka Uganda oo uu sheegay in lagu muransan yahay.

“Waanu Aragnay War-saxaafadeedkii kasoo baxay Ururka Midowga Afrika, kaasoo ay ku sheegeen inay weli u aqoonsan yihiin Museveni Dhexdhexaadiyaha Murannada Burundi ka taagan, balse waxaan sheegayaa inuu ahaa Ruux aad ugu Mashquulsanaa arrimaha dalkiisa. Sidaas Awgeedna, Mkapa waxaanu u aragnaa inuu yahay Mas’uul ku raacaya sharciyada u yaalla dhexdhexaadiyenimada,” ayuu hadalkiisa ku daray Pancras Cimpaye.

Dhanka kale, Afhayeenka kooxaha mucaaradka ah ee Burundi ayaa Hadalkiisa ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin mar walba inay xukuumadda Wada-hadallo la furaan. Isagoo xusay inuu rajeynayo in Benjamin Mkapa uu sida ugu dhaqso badan u billaabi doono howshiisa.

“Mucaaradka CNARED, waxay diyaar u yihiin inay la hadlaan xukuumadda haddii xitaa la yiraahdo berri aroortii ama caawaba. Waxaan mar walba diyaar u nahay wadahadal, waayo Waxaan doonaynaa in Waddankeennu uu noqdo mid Nabad ah oo aysan Colaadi ka jirin… Waxaanan waqti walba diyaar u nahay Wadahadal,” ayuu ku daray Hadalkiisa Afhayeenka Xoogagga Mucaaradka Burundi.

Balse, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi, Alain Nyamitwe oo isaguna Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Bujumbura aysan ku Faraxsanahay inay u doortaan kooxaha mucaaradka ah ee dalkooda inuu wadahadalada ku metelo isbahaysiga CNARED.

Ugu dambeyn, Nyamitwe ayaa hadalkiisa ku sheegay in CNARED uu colaadaha ka taagan Burundi qayb ka ahaa, isla markaana uusan lahayn isbahaysigani wax muuqda oo kooxaha mucaaradka ah oo dhan uu ku meteli karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya