4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2016
DAAWO: Wasiirka Difaaca Somalia iyo Xubno ka soo Hor-jeeday Jubbaland oo Gaaray Kismaayo

Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) — Wafdigan oo uu hoggaaminayay wasiirka difaaca DF Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeday maamulka Jubbaland, Mudda dheerna ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Wafdigaan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweeyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, C/llaahi Sheekh Ismaaciil [Fartaag], Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Jubbaland, Ururrada Haweenka, Dhalilnyarada iyo Qeybaha kale ee Bulshada ku dhaqan Kismaayo.

Siyaasiyiintii Wehlinaysay Wasiirka Difaaca, ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, Cabdi Shire Warsame iyo siyaasiyiin kale oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday maamulka Jubaland.

DAAWO: Booqashada wafdiga wasiirka Difaaca Somalia iyo hadalladii ay jeediyeen;
Siyaasiyiintaan ayaa la filayaa inay ku biiraan Shir Wada-tashi ah oo Magaalada Kismaayo uga socda beesha ay kasoo jeedaan kaasoo lagu doonayo in lagu dhameeyo tabashooyinka xubnahan, isla markaana ay aragti mideeysan ka yeeshaan nidaamka dowladnimo ee ka jira Jubbaland.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweeynta loo sameeyay, isagoo sheegay in la doonayo in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda iyo horumarka wadanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya