4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2016
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF oo Maanta Dil Toogasho ku Xukuntay Xasan Xanafi


Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida ee Somalia ayaa maanta dil Toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsan Al-shabaab, kaasoo mudd sannad ka badan ku xirnaa xabsi ay Hay'adda Sirdoonka Somalia ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Dhageysiga dacwaddii loo haystay Xasan Xanafi oo ay ka mid ahaayeen; inuu mas’uul ka ahaa dilal Muqdisho loogu geystay wariyeyaal, ayaa waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo guddoomiyaha maxkamadda uu sheegay inay xukunkan rideen kaddib markii ay arkeen caddeymo maxkamadda la horkeenay, ayna hor-yimaadeen maxkamadda markhaatiyaal ku marag-furay.

“Waxaa Maxkamadda la Hor-keenay Caddeymaha Dambiyadii lagu soo eedeeyay, Xanafi, isla markaana ay hor-yimaadeen Maxkamadda Markhaatiyaal ku marag-furay, Waxaana ay maxkamaddu ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji dil Toogasho ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqayay natiijada xukunka maxkamadeed.

Sidoo kale, Col. Shuute ayaa xusay in Xasan Xanafi ay ku Caddaatay in uu ka dambeeyay Toogashada Wariyeyaal kala ah; Mahad Axmed Cilmi, Mukhtaar Maxamed Hiraabe, Cali Iimaan Sharma’arke, Sheekh Nuur Abkeey iyo weliba Siciid Tahaliil Axmed.

Haddaba, Xilliyadii la kala Dilay Wariyeyaashan ayaa Waxay kala ahaayeen Sidaan;

1. Mahad Axmed Cilmi ayaa waxaa la dilay - 11-kii September, 2007-kii
2. Cali Iimaan Sharma’arke ayaa waxaa la dilay 11-kii September, 2007-kii
3. Saciid Tahliil Axmed ayaa waxaa la dilay 04-tii Feberaayo, 2009-kii
4. Mukhtaar Maxamed Hiraabe ayaa waxaa la dilay 08-dii Juun, 2009-kii
5. Sheekh Nuur Abkeey ayaa waxaa la dilay 04-tii May, 2010-kii

Xukunkaan Maxkamadeed ee lagu riday Xasan Xanafi ayaa Wuxuu kusoo beegmayaa Xilli Xasan Xanafi Xaaji uu toddobaadyo ka hor Wareysi siiyay Radio Muqdisho uu ku sheegay inuu mas'uul ka ahaa dilkii wariye Sheekh Nuur Abkeey, balse uusan lug ku lahayn dilalkii loo geystay wariyeyaasha kale.

Wuxuu kaloo, Xasan Xanafi uu Wareysigiisan ku sheegay in Al-shabaab ay Wariyeyaasha oo dhan u haystaan kuwo riddo ah oo diinta ka baxay, ayna ugu xukuman yihiin dil, isagoo sheegay in uu wax ka ogaa dilalka Wariyeyaasha kale ee lagu eedeeyay inuu dilalkooda lug ku lahaa.

Dhanka kale, Xanafi ayaa Waxaa lagu Qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya bishii Ogoosto ee Sannadkii 2014-kii, iyadoo Nabad-sugidda Somalia lagu soo Wareejiyay Dhammaadkii isla sannadkaas 2014-kii, isagoo tan iyo xilligaasna ku xirnaa mid ka mid ah maxaabiista Sirdoonka Dowladda Somalia ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Xukunno noocan oo kale ah ay ku Riddo Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Somalia, kuwaasoo la dilay qaarkood, halka kuwo kalena ay weli u xiran yihiin Dowladda Federaalka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya