4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2016
WARBIXIN: Dhibaatada Haysata Dadkii ku Bara-kacay Dagaalladii Magaalada Dhuuso-mareeb


Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL)-Dad aad u badan ayaa shalay ka cararay dagaalkii Dhuusomareeb ayagoo naftooda ula cararay miyiga magaaladaa oo kutaala bartamaha Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii ugu yaraan 15 qof lagu dilay magaaladaas oo dagaal culus uu ku dhexmaray ASWJ iyo ciidamo uu wato sargaal katirsanaan jiray ciidamada Soomaaliya laguna magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Dadka ayaa haatan ku dhibaateysan baadiye aan biyo iyo baad toona lahayn. Dadka barakacay ayaa waxaa u badan maato sida haween, carruur iyo dad waayeel ah. Sidaa daraadeed ayaa waxaa meelihii ay u qaxeen ku heysata gaajo iyo harraad.

Qaar ka mid ah dadkaas ayaa ku dhaawacmay xabadaha dadkii dagaalamayay ay isweydaarsanayeen.

Maahan markii ugu horeysay ee dad rayid ah lagu dul dagaalamo Soomaaliya gudaheeda. Gobolka Galgaduud oo qura dhowr meelood oo ka tirsan ayay sidaa ka dhacday gaar ahaan magaalada Guriceel oo dhowr jeer ASWJ iyo ciidamo ka tirsan dawlada ay dhawr jeer ku dirireen labadii sano oo lasoo dhaafay halkaas oo dagaalameyaasha maahee dadka rayidka ahna dhibaato ba'an iyo barakac ay lasoo gudboonaatay.

Gobolada dariska ah sida Mudug iyo Hiiraan waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo ay ku barakaceen dad rayid ah ama ay ku waxyeeloobeen labadii sano ee tagay ee 2015 iyo 2014. Gaar ahaan meelaha dhibaatooyinkaasi ka dhaceen ee la xasuusto waxaa ka mid ah Gaalkacyo iyo Deefoow oo ka kala tirsan goboladaa Mudug iyo Hiiraan.

Aden Maxamed Warsame
Hiiraan - Online
[email protected]