4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2016
WASIIR HADLIYE: Somalia Amni-xumo kama ay jirto Wayna ku biiri kartaa Is-bahaysiga EAC-da


Khamiis, Maarso 03, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia, C/salaam Hadliye Cumar ayaa ka warbixiyay sababta Somalia loogu diiday inay ka noqoto xubin Suuqa Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaanno EAC, kaasoo shalya loo ogolaaday inay ku biirto dowladda Koonfurta Suudaan xilli dalkaas ay ka socdaan colaado sokeeye.

Hadliye oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in shuruudaha Somalia laga rabo si ay ugu biirto EAC ay yihiin kuwo horay u jiray, maadaama uu sheegay in Somalia ay ku taallo gobolka, isla markaana ay jiraan shuruudo afar illaa shan ah.

“Shuruudaha laga rabo Soomaaliya waa kuwo awalba u rii jiray, maxaa yeelay Soomaaliya Gobolka ayay ku taala, waxaa jira waxbaayo afar illaa shan ah, in ku biirista ururkan aysan waxba ka qabin dalalka xubnaha ka ah”ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Mar la Weydiiyay Shuruudaha Somalia hor-yaalla ayuu ku Jawaabay - inay ka mid yihiin: Amni-xumo, Xuduudaha la isku-gudbi karo iyo Ganacsiga oo la is-wey-daarsado ay tahay shuruudaha muhiimka ah.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in inta badan shuruudaha ay buuxin karaan, gaar ahaan Can-shuurta, isagoo xusay in horay ay u weydiisteen, laakiinse iyaga iyo Koonfurta Sudan dib loo dhigay

“Kulankii Addis Ababa, Itoobiya ka dhacay ayaa isku aragnay, waxaa ku balanay inay noo yimaadaan Bisha Abriil oo ay la kulmaan Madaxda Dowladda, wasiirada iyo Ganacsatada, ma aaminsani in amni-xumo naloogu diidayo, hadiiba loo ogolaaday Waddanka Koonfurta Suudaan,”ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Dhanka kale, Wasiir Hadliye ayaa intaas ku daray in si tartiib-tartiib ah ay Soomaaliya ugu biiri karto EAC, isla markaana la eego waxa faa’iidada kasoo galaya haddii ay ku biiraan, isagoo tilmaamay in muhiimada tahay in ganacsiga soo noqdo, canshuurta ganacsatada ay bixiso, lana isu gudbi karo dalalkaas oo dhan.

Ugu dambeyn, Suuqa Ganacsiga Bariga Afrika ayaa waxaa xubin ka ah lix dowladood oo kala ah, kuwaasoo shacabkoodu ay isku tallaabaan isla markaana ganacsigu uu yahay mid wadaag ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya