4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
SAWIRO: Mudaaharaad uu khasaare ka dhashay oo Magaalada Baladweyne ka dhacay Maanta

Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Inta la og-yahay saddex qof ayuu dhaawac kasoo gaaray dibadbax looga soo horjeeday madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii ay isku dayeen ciidamada in ay rasaas ku kala ceyriyaan dadka isku soo baxay.

Saddexda qof ee dhaawaca ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Beledweyne oo haatan lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad, kuwaa oo qaarkood rasaastu ka haleeshay qeybaha danbe ee jirka.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay eryo ka dhan ah madaxweynaha DF Somalia oo ay ku eedeeyeen sidda ay hadalka u dhigeen uu kala qeybinayo beellaha wadda degan gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa ilaalo xoogan ka haya xarunta maamulka gobolka oo ay waqtigan ku kulansan yihiin Madaxweynaha DF ee Somalia iyo duubabka dhaqanka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa....

Hiiraan Online, News Desk