4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
Kulan Madaxweynaha Soomaaliya iyo duubabka-dhaqanka xilligan uga socda Xarunta Maamulka


Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Kulan Xasaasi ah ayaa Xilligaan uga Soconaya Xarunta maamulka gobolka Hiiraan madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, kaddib markii hore leysku fahmi wayay wajigii hore ee kulanka labada dhinac.

Subaxanimadii hore ee saaka ayaa mar lagu kala tagay kulanka kaddib markii sida wararku sheegayaan madaxweyne Xasan Sheekh dalbaday in beel  beel ay isku arkaan, taasoo ay ku gacan-seyreen duubabka oo uu horkacayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Laakiin madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa markii danbe aqbalay inuu si wadajir ah u arko duubabka dhaqanka. Kulanka oo siweyn isha looga wadda hayo ayaan la ogeyn waxa ka soo bixin doona.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya