4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 26, 2016
Shiinaha oo Sharraxaad Ka Bixiyay Saldhiggiisa Militariga ee Djibouti

Qore Ben Blanchard

Sebti, Maarso 26, 2016 BEIJING (Reuters) - Dawlada wadanka Shiinaha ayaa sharraxaad ka bixisay qorshaha saldhigga shiinaha uu dhawaan ku yeeshay dalka Djibouti.

Saldhiggaas oo ciidamada badda ee dalkaasi Shiinaha ay kuyeesheen Djibouti ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo Shiinuhu kuyeesho meel ka baxsan dalkaasi Shiinaha. Shiinaha ayaa sheegay in saldhiggaas uusan uga dan lahayn isballaariin dhanka militariga ah inuu sameeyo balse ujeedkiisu yahay sidii gacan looga geysan lahaa ammaanka gobolka Geeska Afrika iyo horumarkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan sheegasho uu Shiinuhu sheegtay inuu leeyahay marin biyood muhiim ah oo kuyaala Badda Koofurta Shiinaha ayaa ku keentay shaki dalalka qaarada Asia iyo Mareykanka.

Shiinaha ayaa in badan ku celceliyay inuusan doonayn inuu sida Mareykanka oo kale dhigo meelo badan oo caalamka ah militarigiisa oo uusan doonayn in sidiisa oo kale saldhigyo militari oo badan uu daafaha caalamka ka samaysto.

Dhanka horumarinta gobolka ayaa waxaa laga yaabaa in Shiinuhu damacsan yahay in Itoobiya uu u fududeeyo inay hesho fursad ay ku adeegsato badda si dabadeed si sidii hore ka wanaagsan laisugu xiro ganacsiga ka dhexeeya qaaradaha taasoo horseedi karta in ganacsiga Shiinuhu sii tis qaado si fiicana ula xirto xiriiro dalalka  caalamka ee dadka badan ee badeecooyinka Shiinaha suuqyo wax ku ool ah u noqon kara.

Waxaa Tafatiray Warsame,
Xafiiska Wararka ee
Hiiraan Online ee
Nairobi, Kenya.
[email protected]