4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2016
MADAXWEYNE XASAN: Ajandaheenna Hiiraan iyo Sh/dhexe waa dhismaha maamul ay yeeshaan


Jimco, Maarso 25, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo maanta gaareen magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in madaxda Dowladda Somalia aysan marna ka daali doonin inay ka Mira-dhaliyaan dhismaha Maamul goboleed loo dhiso gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waa muhiim in maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la eegayo danta guud iyo shacabku si ay helaan adeegyada muhiimka ah; sida; amaanka, kala dambeynta, waxbarashada, caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee horumarka,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in shacabka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad bisil, oo looga fadhiyo inay la jaan-qaadaan nidaamka federaalka ee dalka ka jira.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in meel fiican ay marayaan dadaallada la isugu soo dhaweynayo dhamaan beelaha dega labada gobol ee ku aaddan dhismaha cusub Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Ajandaha keliya ee Dowladdu ka leedahay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in maamul ay yeeshaan labadaan gobol. Waad la socotaan in Maamullada Puntland iyo Galmudug ay dagaal kula jiraan Al-shabaab, Guulo ayayna ka gaareen. Waxaana hubaal ah haddii aysan deegaanadaas aanay maamul sameysan lahayn inay ku adkaan lahayd inay Al-shabaab iska difaacaan,’’ ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, Kulankii ugu horreeyay ayuu Madaxweyne Xasan warbixin kaga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Xuseen Odawaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed).

Ugu dambeyn, Wafdiga Madaxweynaha Somalia waxaa ka mid wasiirka amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed, kan Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, dhalinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Cabdullaahi Xasan, xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya