4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2016
FAAHFAAHIN: Socdaalkii Madaxweyne Xasan uu Maanta ku Tagay Beledweyne (SAWIRRO)

Jimco, Maarso 25, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Max'ed, Wasirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahi, wasiirka dhallinyarada & cayaaraha Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, Xildhibaanno iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan, ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.

Afhayeenka Madaxtooyada Somalia, Daa'uud Aweys oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta maamulka gobolka Hiiraan, ayaa socdaalka madaxweyne Xasan ku sifeeyay Qayb ka mid ah dadaalada la doonayo in lagu xaliyo muranka ka taagan dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu billaabo kulamo uu la yeelanayo qaybaha bulshada, iyadoo madaxweynuhu uu kulanka ugu adag uu la yeellan doonaa duubabka-dhaqanka Gobolka Hiraan oo horay si wadda-jir ah ugu gacan-seyray ka qeyb-galka shirka Jowhar.

Horraantii Sannadkaan ayuu Madaxweynaha Somalia magaalada Beledweyne kula yeeshay kulan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, balse kulankaas wuxuu kusoo dhamaaday natiijo la'aan.

Kulan kale oo la mid ah ayaa maalin ka hor wuxuu Magaalada Beledweyne ku dhax-maray duubabka dhaqanka iyo RW Soomaaliya, Cumar C/rasiid Cali Sharma'arke ayaa sidoo kale lagu kala tagay kaddib markii la isku fahmi waayay qodobadii looga wadda-hadlay.

Ugu dambeyntii, Lama oga sida Madaxweyne Xasan uu uga Miro-dhalin karo dadaalada la doonayo in lagu soo af-jaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira qorshaha dowladda Somalia ee dhismaha maamulka labada gobol.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya