Golaha Ammaanka ee QM oo Xilligii Hawlgalka u kordhiyay Xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM
Jimco, Maarso
25, 2016 (HOL) — Golaha Ammaanka ee QM, ayaa muddadii hawl-galka
u kordhiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia [UNSOM], iyadoo muddada uu
shaqeynayo la gaarsiiyay illaa 31-ka Maarso, 2017-ka oo ah sannadka soo socda.
Xubnaha Golaha
Amaanka ee QM, ayaa sheegay in xafiiska UNSOM ee Somalia uu yahay mid hawlo
muhiim ah ka haya Somalia, waxayna xuseen inuu gacan ka siiyo Dowladda FS hawlaha xasillinta iyo dib u heshiisiinta, waxayna ku xuseen warbixintooda
in sidoo kale uu Xafiisku gacan ka geysanayo sidii ay uga dhici lahaayeen Somalia
daba-yaaqada sannadkan 2016-ka doorasho.
Sidoo kale, Golaha
Amaanka ayaa soo dhaweeyay ballan-qaadkii Madaxweyne, Xasan Sh. Maxamuud ee ahaa in
dalka ay doorasho hufan ka dhacayso sannadkan lagu jiro ee 2016-ka daba-yaaqadiisa. Waxayna ugu baaqeen dhammaan madaxda maamullada dalka ka jira
inay taageeraan go'aankii laga soo saaray Muqdisho ee ku aadanaa hannaanka
doorasho ee dalka ka dhici doonta.
Waxay kaloo, Xubnaha
Golaha Ammaanka ee QM sheegeen inaan la aqbalayn in Dowladda Federaalka Somalia
aan wax muddo ah loogu kordhin karin xilligeeda shaqo, ayna tahay in dalka ay
doorasho ka dhacdo markii la gaaro dhammaadka xilli-hawleedka Dowladda hadda
shaqeynaysa.
Golaha
Ammaanka ayaa dhinaca kale, hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay Xoojinta
hay’adaha ammaanka Somalia, gaar ahaan dhimashada Cciidamo Qaran oo awood leh,
isla markaana la Dar-dar-geliyo hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee
ay iska Kaashanayaan ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.
Dhanka kale, Xubnaha
Golaha Amaanka ee QM ayaa waxay cambaareyn dusha uga tuureen weerarrada ay
Somalia ka geysanayso Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay ku tilmaameen in ay sii kordhinayaan walaaca
dhanka amniga ah ee ka jira Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wuxuu Goluhu walaac ka muujiyay xaaladaha baani’aadamnimo ee xilligan ka Taagan Somalia,
iyagoo ku baaqay in Gacan laga geysto sidii loo caawin lahaa Dadka ay saameynta
ku yeesheen abaaraha gobollada Somalia ka taagan xilligaan.
Maxamed X.
Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya