Shirkada Transom Airways oo billowday Duullimadyo isku xiri doona Boosaaso, Muqdisho iyo Nairobi
Jimco, Maarso
25, 2016 (HOL) — Shirkadda duullimaadka ee Transom Airways oo ka hawlgasha
dalka, ayaa ka billowday garoonka Boosaaso ee gobolka Bari duullimaadkii ugu horreeyay
oo isku xiri doona Muqdisho, Boosaaso iyo Nairobi-Kenya.
Maamulaha
Shirkadda Transom Airways ee Boosaaso, Xasan Diiriye Jaamac oo la hadlayay
warbaahinta ayaa sheegay inay si toos ah u bilaabeen duullimaad isku-xiri doona
magaalooyinka Boosaaso, Muqdisho iyo Nairobi, Kenya.
“Duullimaadyada
Transom Airways ee isku xiri doona; Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo
Nairobi waxay bulshada ka kaafin doona baaihida duulimaad ee ay qabeen inay
isaga gooshaan magaalooyinkan. Waxaana doonaynaa inaanu ku darno Dubai, dadweynaha
reer Puntland iyo Ummadda Soomaaliyeed, waxaanu ugu shaqeyn doonna si hufan,”
ayuu yiri Xasan Diiriye.
Wuxuu kaloo
Maamulaha Transom Airways intaas ku daray in Todobaadkii ay afar duulimaad ku tegi
doonaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo ah xarunta ganacsiga maamulka
Puntland.
Sidoo kale,
C/lla Cali Xuseen oo ka mid ah Hawl-wadeenada Shirkadda Transom Airways, ayaa
sheegay in duulimaadkan cusub uu meesha ka saarayo baahidii dhanka duullimaadka
ahayd ee ay bulshadu qabeen, isagoo xusay in shirkaddu ay bulshada u soo kordhisay
duulimaad tayo leh oo saacado kooban qaadanaya.
Dhanka kale, Shirkadda
Duullimaadyada ee Transom Airways, ayaa qayb ka ah shirkadaha duulimaad ee ugu
tayada wanaagsan shirkadaha ka hawlgala guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Ugu dabmeyn, Wixii
ka dambeeyay casriyeyntii garoonka diyaaradaha Boosaaso ee Bandar-Qaasim kaddib
ayaa waxaa isa soo tarayay Shirkadaha Duullimaadka ee xafiisyada ka furanaya
Boosaaso.
Maxamed X.
Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya