4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2016
Siyaasiyiinta Isbahaysiga Dimuqraadi-doonka KULMIYE oo ka hadlay xubno laga saaray Xisbiga

Jimco, Maarso 25, 2016 (HOL) — Xubnihii Mas'uuliyiinta ahaa ee ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee la baxay isbahaysiga dimuqraadi doonka Kulmiye ayaa ka jawaabay shan xubnood oo xisbigu sheegay in guddidii golaha dhexe, guddida fulinta iyo xubinimadii xisbiga laga saaray.

Sidoo kale, waxay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE waxay ku dhaliileen inuu ku fashilmay hogaanka xisbiga, isla markaana talaabooyinii u dambeeyey ee uu qaatay tahay mid kalsoonidii dadweynaha luminaysa.

Guddoomiye ku xigeenka  labaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan , Maxamed X. Yuusuf  Waabeeye iyo guddoomiye ku xigeenka saddexaaad ee xisbiga Xildhibaan C/raxman Maxamed Talyanle oo ka mid ah isbahaysiga dimuqraadi doonka xisbigaasi ayaa war-murtiyeed ka soo saartay shanta xubnood ee isbahaysiga ah ee xisbiga laga saaray, iyagoo ku dooday in aan xisbiga laga saari Karin.

War-saxafadeed ay arrintaasi ka soo saareena wuxuu u qornaa sidan “shir ay isugu yimaadeen Hogaanka, gudiga fulinta iyo xubnaha golaha dhexe ee garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan:

1, In aany jirin xubin ka tirsan garabka Isbahaysiga Dimoquraadiga Kulmiye oo lumisay xilalkeedii iyo xubinimadeed xisbiga kulmiye.

2. In aanu jirin shir loo dhanyahay oo hogaanka iyo gudiga fulinta xisbigu Iskula-qaateen luninta xillalka iyo xubinimada Xisbiga kulmiye.

3. In Gudigii Isbahaysiga ee loo magacaabay la xaajoodka siyaasadeed ee xisbiyada ay sidoodii yihiin sharci u diidayaana aanu jirin.

Gebogebadii:

Qoraalka ka soo baxay xafiiska garabka gudoomiyaha wuxuu muujinaysaa fashilka hoggaamineed ee Muuse Biixi oo xaaladiisu wakhtigan marayso “neef la gawracay geedo kama waabto” iyadoo xisbigii kulmiye labo garab u kala fadhiyo hadana u tafaxaytay Xasarado aan kala joogsi lahayn ee ay ugu danbaysay faraglinta Saldalada guunka ah iyo birma-magaydada madax-dhaqameedka.”

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii siyaasiyiintan isbahaysiga oo u badan masuuliyiintii xukuumadda iska casilay ka dib markii ay saluugeen shirweynihii xisbiga kulmiye Qabsanayey November 10, 2015 kii kaasi oo lagu doortay inuu musharax ka noqdo xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah gudomiyaha xisbigaasi.

Siyaasiyiintan ayaa mudadii ka dambaysay shirkaasi waxay shirar ku lahaayeen magaaladda Hargeysa, waxaanay wada hadalo la galeen labadda xisbi mucaarad ee WADANI iyo UCID, iyadoo isbahaysigani guddida shan xubnood ka kooban u saaray wada hadalkaasi ay la galayaan asxaabta mucaaradka, haseyeeshee, xisbiga kulmiye ayaa iyaguna shantii xubnood ee loo saaray inay xisbiyada kale wada hadal la galaan xubinimadii xisbiga KULMIYE ka saaray, iyagoo amarna laga soo saaray in magaca xisbiga kulmiye aan wada hadal loogu galli Karin, balse shakhsiyaad aan sidan magaca iyo sumcadda xisbiga ku biiri karaan xisbiga ay doonaan.

Shantan xubnood waxay kala ahaayeen, Cabdi Aw Daahir, wasiirkii hore ee Xanaanadda Xoolaha, Xuseen Axmed Caydiid, wasiirkii hore ee Cadaaladda, C/risaaq Khaliif, wasiirkii hore ee Hawlaha guud, Faarax Cilmi Geedoolle, wasiirkiiii hore waxbarashadda, Cali Cabdi Saa’iq, wasiir ku xigeenkii hore ee Hawlaha guud oo dhamaantood xukuumadda iskaga casilay saluugga shirweynihii xisbiga kulmiye qabsanayey ee lagu doortay Muuse Biixi Cabdi.

“Sida ku cad warqadda sumadeedu tahay XK/XGX/0042185/2016, kuna taariikhaysan 23 March 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu kala socodsiiyey hay’adaha ay khusayso, kadib markay wadatashi yeesheen Hoggaanka Sare ee Xisbiga iyo Guddida Fulinta, waxa caddaatay in xubnaha wadahadalka tooska ah kula jira xisbiyada Mucaaradka ah ay si badheedh ah uga horyimaadeen Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Xisbiga KULMIYE. Sidaas daraadeed, iyada oo la raacayo qodobada 11-aad iyo 13-aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE waxay xubnahani ay gabi ahaanba lumiyeen xubinnimadii xisbiga KULMIYE, taas awgeedna, waxa lagala noqday xubinimadii Golaha Dhexe iyo tii Fulinta”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xisbiga kulmiye oo lagu shaacinayey in laga saaray xisbiga.

Waxaana intaas lagu daray “Waxa kale oo halkan xisbigu ku caddaynaynaa in aan sinnaba loo adeegsan karin astaamaha Xisbiga ee ay ka mid yihiin Calanka, Summadaha iyo Magaca Xisbiga, sidoo kale, wax wada hadal iyo heshiis ah aanay cidna kula gali karin magaca Xisbiga KULMIYE xubnahaasi. Maanta laga bilaabo waxay u madax bannaan yihiin in ay magacyadooda oo kaliya naftooda ku matalaan.”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]

Hargeysa, Somaliland