4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
GALMUDUG: Ciidankeenu waxay baac-sanayaan Al-shabaabkii kusoo firxaday Deegaannadeenna


Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray Caawa ku sheegay in Ciidamadooda ay baacsayaan Xoogag ka tirsan Al-shabaabkii kasoo cararay deegaannada Puntland ee soo galay deegaannadooda iyo kuwo kale oo ay ku sheegeen inay duullaan ku yihiin maamulkooda.

Haddaba, War-saxaafadeedka Maamulka Galmudug ayaa Wuxuu u Qornaa sidaan;

CIidamada amniga ee maamul-goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, ayaa qaaday hawlgal ay ku baacsanayaan kooxo argagaxiso ah oo isugu jira kuwo kasoo degay deegaanada Gal-mudug oo duullaan ku ah iyo kuwo dagaalkii ay Puntland kula gashay deegaanka Garacad Al-shabaab oo halkaas kasoo firxaday.

Hawlgal ballaaran oo Ciidamada Galmudug ay Maanta ka sameeyeen Deegaannada Bariga Hobolka Mudug ayay fara-saareen firxadkii Al-shabaabkii kasoo firxaday dagaaladii Gara-cad iyo Suuj, kuwaasoo doonayay inay deegaannada Galmudug gabaad ka dhigtaan, Balse si geesinimo leh waxaa uga hortagay ciidamada amniga maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan (Masaga-waa) ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay dagaal culus la galeen kooxo Al-shabaab ah oo kasoo firxaday Garacad iyo Suuj, kuwaasoo deegaannada kala ah Dinooda iyo Jiray ee Bariga Galmudug soo gaaray si ay gabaad uga dhigtaan, balse ay dagaal socday saacado kaddib, halkaasi ay ciidamada Galmudug jabiyeen.

“Deegaanada Dinooda iyo Jiray, waxaa ka dhacay dagaal ay isku fara-saareen Al-shabaab-kii lagu soo jebiyay Garacad iyo Suuj iyo ciidanka Galmudug oo ka difaacanaya deegaan-nadooda. Firxadkii Al-shabaab oo ahaa kuwo aan badanayn Dagaalkana waa lagu jabiyay, waxaana laga dilay 23-qof, 13 kalena ciidanku ay nolol ku qabteen, hubkii iyo saanadii ay wateenna waa laga furtay,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in maamulka Galmudug ay furimo kale oo Dagaalka argagaxisada ah ay kaga furtay deegaannada kala ah Ceel-huur, Camaara iyo Xarar-dheere, balse ay ciidanka Amniga u diyaar-garoobeen inay dhammaan deegaannadooda ka saaraan argagaxisada Al-shabaab ee nolosha u diidan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannadaas.

Ciidanka Amniga Galmudug ee dagaalka culus la galay firxadkii Al-shabaab; ayaa waxay baacsanayaan qeybihii kasii firxaday Al-shabaabka soo jabay, si ay deegaanadooda ay uga Sifeeyaan halista ka imaan karta Haraadigaas Al-shabaab ka tirsan ee weli Deegaannadaas ku dhuumaaleysanaya.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa ugu baaqay in Dowladda Somalia iyo Beesha Caalamkuba ay taageero iyo gurmad deg-deg ah lasoo gaaraan Galmudug, si guud ahaan Al-shabaab looga saaro deegaannada maamulka Hhoos-yimaada, isagoo dhanka kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug inay ciidanka hiil iyo hoo la garab is-taagaan si guusha ay ciidanka gaareen loo dhameystiro.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaallada la sheegay in xoogag ka tirsan kuwooda oo lagu soo jabiyay Puntland ay maanta kula galeen deegaanno Galmudug ka tirsan, iyadoo Al-shabaab aysan weli sidoo kale ka hadlin dagaalladii ciidanka Puntland iyo xoogagga la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno kala ka tirsan maamulka Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya