4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
SAWIRRO: Hormuud Foundation oo ka Qaybisay Daawo Duulleedka Jowhar - Caawisayna Tarxiil

Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Hay’adda Hormuud Foundation, ayaa dawooyin ka qaybisay tuulooyin hoos-taga degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna sidoo kalena caawinaad u fidisay Soomaali laga soo tarxiilay dalka Sucuudiga oo maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Guddoomiyaha Hormuud Foundation, Muuse Axmed Nuur Tarsan ayaa xusay in hay’addu dawooyin isugu jiray ORS iyo falleebooyin ka qaybisay dhulka ay biyo la’aantu ka jirto ee ku dhaw degmada Jowhar.

“Maadaama lagu jiro xilliga kuleylaha, waxaan dawooyinkan ugu talo-galnay in looga hor-tago cudurka shuban biyoodka oo sanad walba xiligan oo kale la arko, iyadoo dawooyinka loo qaybiyey boqollaal qoys,” ayuu yiri Muuse Tarsan.

Sidoo kale, Diyaarad waday 119-qof oo Somali ah, lagana soo Tarxiilay Saudi Arabia ayaa maanta soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen garoonka madax iyo shaqaale ka tirsan Ha’yadda Hormuud Foundation oo ruux kasta oo ka mid ahaa tarxiilkan gacanta u geliyey Sim Card, $5 oo karaka hadalka ah iyo $10 kaash ah, si ugu kiraystaan gaadiid, isla mar ahaantaana ula xiriiraan ehelladooda.

Dadkaan tarxiilka ah oo isugu jiray; dhallinyaro, waayeel, caruur & haween ayaa u mahad-celiyey Hay’adda Hormuud Foundation, iyagoo xusay in si Naxariis iyo Soomaalinimo ku jirto ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda Hooyo.

Maalin ka hor ayaa diyaarad siday dad sidaan oo kale looga soo tarxiilay dalka Sucuudiga, waxaa garoonka kusoo dhoweeyey Hormuud Foundation. Waxaana dadkan tarxiilka ah ay sheegeen in lasoo qab-qabtay iyagoo xaalado kala duwan ku jira.

Dhanka kale, madaxda hay’ada Hormuud Foundation ayaa dhankooda sheegay in howlaha Sama-falka ah ee lagu caawinayo dadka laga soo tarxiilo Boqortooyada Saudi Arabia ay si joogto ah uga socon doonaan garoonka Aden Adde, ayna halkaas diyaar ku yihiin shaqaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adooda si ay dadkaas garoonka ugu soo dhaweeyaan.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Sucuudiga ayaa inta badan dadka Soomaalida ah ee Dalkeeda u carara dib ugu soo celisa Soomaaliya, balse taasi ma hakin dadka tahriibka ku aada dalka Yemen, si ay ugu sii gudbaan Sucuudiga oo ay rumeysan yihiin, in ay ka helayaan Fursado shaqo iyo nolol dhaanta midda ay ku haystaan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya