4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
Ururro Dhallinyaro oo Xarunta KANAVA Maanta kaga Dhawaaqay Dallad ay ku Mideysan yihiin

Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) —Xarunta Dhallinyarada KANAVA ee Muqdisho, ayaa maanta lagu qabtay xaflad lagu dhisay Dallad ay ku mideysan yihiin Ururro Dhalliyaro oo ka socday - Gobolka Banaadir iyo Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka soctay ururradan dhallinyarada oo ku bahoobay Dalladan oo loogu magacaabo - Ururka Horumarinta Dalladda Dhallinyarada (Umbrella Youth Organization  Developments (UYOD).

Munaasabada ayaa waxaa uuu horreyn ka hadlay gudoomiyaha KANAVA, Liibaan Maaxi Macallin oo dhammaan intii soo agaasintay xafladda u mahad-celiyay isagoo yiri. “Markay ururrada Dhallinyarada keli-keli u shaqeeyaan xooggooda iyo fikrkooda Wuu kala daadsan yahay, laakiin markay mideysan yihiin; xooggoodu - wax badan oo ku aaddan Horumarinta dalkooda iyo dadkooda ayuu qaban karaa.“

Xubnihii kale ee ka hadlay xafladda ay ku midoobayeen ururradaan dhallinyaro, waxaa ka mid ahaa; Maxamed Macallin oo sheegay in ay dhinacooda soo dhaweynayaan sameynta dalladan ay ku midoobeen ururrada dhaliyarada isagoo xusay in Isu-taggooda uu wax weyn kusoo kordhin karaan horumarinta dalka.

Maryama Abuukar Axmed oo ka socotay ururka dhallinyarada KOCSOM, ayaa iyadana ka sheegtay xafladda in ururkooda uu soo dhaweynayo dhismaha dalladdaan ay ku midoobeen ururada dhallinyarada, waxayna tiri. “Waxaan si aad ah u rajeynayaa inuu midowgan keeni karo in dhallinayarada Soomaalieed ay ka baxaan dhibaatooyinka maanta haysta.”

Ugu dambeyn, waxaa munaasabaddaas ka hadlay Guddoomiyaha dalladda cusb ee UYOD, oo sheegay in Dalladaan uu ku Hoggaamin Waddada horumarka, si Dhalinyaradu u helaan dhammaan adeegyadii ay u baahnaayeen; isagoo ugu baaqey ururrada kale ee dhalinyarada inay kusoo biiraan dalladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya